Google oo shaqaale u eriday tacaddiyo galmo la xiriira

Maamulka Shirkadda Google ayaa shaqadda ka ceyriyay 48 ka mid ah shaqaallaha Shirkadda  oo ay ku jiraan 13 masuul oo sars are tan iyo sannadkii 2016kii.

Waraaq ay shirkaddu u qortay shaqaalaha oo uu diray madaxa shirkadda Sundar Pichai ayaa lagu sheegay in shirkaddan wayn dhanka tiknoolajiyaddu ay “meel adag ka istaagayso” dabeecadaha aan wanaagsanayn.

Warqaddaas ayaa jawaab u ahayd warbixin uu daabacday wargeyska New York Times, taas oo sheegaysay in ninkii aas aasay Android, Andy Rubin la siiyay 90 milyan oo doolar si uu shaqada uga tago, inkastoo uu wajahayay eedaymo sheegaya in uu si aan haboonayn u dhaqmay.

Afhayeen u hadlay Rubin ayaase diiday eedaymahaas, sida uu wargaysku sheegay.