AMISOM oo sheegtay in ay dishay masuul sare oo Al Shabaab ah

Ciidammada howlgalka  Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in labo weerar oo kala duwan oo ay qaadeen ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay taliye sare.

AMISOM ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa Mid qorsheysan,islamarkaana uu ka dhacay  Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Al Shabaab ee ay dileen ayay ku sheegeen in uu ururka u qaabilsanaa canshuur aruurinta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuulkaas ayaa Isniintii la dilay isaga oo ka qaybqaadanaya kulan uu ururku ku lahaa Bariire sida ay Amisom ku shaacisay barteeda Twitterka.