Goobo Ganacsi oo lagu boobay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur afrikan ah ayaa u dhacay Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah oo ku yaalla dalkaas, iyaag oo qaatay lacag iyo Agab kale oo yaallay Goobahaasi Ganacsi.

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayana in kooxaha Burcada ay galeen Dukaan ku yaalla xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg, iyaga oo qaatay lacag iyo alaab kala duwan.

Wariyeyaal ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sidoo kale soo shegayaan in Kooxaha Burcadda ah ay dhaawac culus u geysteen Milkiilaha dukaanka oo u dhashay dalka Itoobiya, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan booliska dalka Koonfur Afrika ayaa tegay halka falka uu ka dhacay, iyaga oo Isbitaalka ula cararay Ninka la dhaawacay,waxaana ilaa iyo hadda aysan ka soo saarin wax war ah dhacdadaas.