Ciidamada dowladda oo weli howlgal ka wada Shabeellaha Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgal weli ka wadaan deegaano duleedka ka ah degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidamada Dowladda la wareegeen.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle howlgalka ay ka wadaan,isla markaana ay kula wareegeen deegaano horleh.

Taliyaha Ciidammada Dhulka Janeraal  Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolkaeasi Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Aadan Ibraahim Cali Najax ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in marnaba Ciidamada Dowladda ay joojin doonin holwgalkaas ilaa iyo inta ay dhamaan Gobolka Shabeellaha hoose ka saaraayaan Al-Shabaab.