Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shaaciyay xilliga la furayo duulimaadyada

 Shirka khamiislaha ah ee golaha wasiirrada DFS oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Mahdi M. Gulaid ayaa lagu ogolaaday in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha.

Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay in maalinta  Axadda ah ee taariikhdu ku beegan tahay 5-ta July, 2020 la furo duulimaadyadda Gudaha.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lagu dhaqmaayo talooyinka xakameynta faafitaanka cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Waxaa jira Amaro iyo habraac loogu tala galay duulimaadyadda Gudaha, islamarkaana laga doonaayo in ay fuliyaan diyaaradaha sidda lagu sheegay Shirka Golaha Wasiirada.