Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlaayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda doorashada Soomaaliya.
Shariif Waxaa uu sheegay in aysan muuqan wax diyaar garow ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya, islamarkaana Madaxda dalka joogta aysan u muuqan kuwo doonaya in doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacdo lagu qabto dalka.
Waxaa uu tilmaamay in Saamileyda Siyaasadeed ee dalka laga doonaayo in ay la yimaadaan qorshe ku aadan sidii loo helaa doorasho dalka lagu samatabixin karo.
“Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, Jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa uu intaasi kusii daray”Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado”