Golaha Wasiirada Puntland oo war ka soo saaray shirka Kismaayo

Boosaaso-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaasi oo maalinta Axada ah ka furmaya magaalada Kismaayo.

Kulan Golaha Wasiirada Puntland ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ayay ku sheegeen in Puntland ay si buuxda uga qayb qaadan doonto shirka Kismaayo.