Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Golaha Xukuumadda ee cusub Golaha Wakiillada Puntland oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.
Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland, Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad muhiima ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.
“Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hareeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada, waxaana uu tilmamay Madaxweynuhu inuu dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada.
Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa balanqaaday in si baaxadle xukuumadda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland uga mahad celiyay Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, oo ay ansixiyeen isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in Wasiirada cusub lagu soo xulay aqoon, karti iyo waaya aragnimo.