Golaha Wasiirada Puntland oo Caawa yeeshay kulan xasaasi ah

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Caawa kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland,kulankaas oo uu shir Guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka Golaha Wasiirada Puntland ayaa waqtigiisa laga soo hormariyey,waxaana la qaban jiray Khamiis walba todobaadkii,waxaana Goluhu ay Caawa kulankooda ku ansixiyeen Miisaaniyada Puntland ee Sanadka 2020-ka.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa miisaaniyadda ay sanadkaan ansixiyeen waxaa ay gaareysaa ilaa 346,416,158.99 Milyan oo doolar,waxaana ay u muuqataa koror aad u badan waxaa lagu xusay Sanadkaan oo ka muuqda lacagaha horumarinta ee Puntland caalamka ka hesho iyo kuwo kale oo aan horay miisaniyada uga muuqan jirin.

Warbixin Wasaarada Maaliyadda Puntland ka soo saartay Kulanka Golaha wasiirada ku ansixiyeen Miisaaniyada cusub ee sanadka soo socda 2020 ayaa waxaa lagu sheegay in miisaaniyadda sanadkaan ay ka muuqdaan dhismaha Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ,Dayactirka Wadada dheer ee laamiga ah dhismayaasha ceelal biyoodyo iyo Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka.