DHAGEYSO: Golaha wasiirada oo ka hadlay qodobo muhiim ah

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankii khamiislaha ahaa ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay qeyb ka yihiin  xaalada siyaasadda dalka,  daba-galka hantida qaranka, iyo qodobo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta shir gudoominaayay kulanka ay yeesheen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa golaha ku hor amaanay Wasiirka Dhalinyarada dadaaladda uu wado ee ku aadan dhiira-gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed islamrkaana sheegay in Wasaaradiisa ay la timid waxqabad cad .

Gudoomiyaha guddiga badbaadinta hantida qaranka ayaa golaha Wasiirada ka hor sheegay in ay jiraan Wasaarado soo gudbiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay hantidii ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor bur-burkii 1990 kii .