Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga horyimid tallaabada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in wax-ka-beddel lagu sameeyo cutubyo ka mid ah Dastuurka KMG ah, iyagoo sheegay in aan weli la helin wadatashi qaran iyo oggolaansho bulsho oo ku filan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelka la wado uusan waafaqsaneyn hannaan sharciyeed iyo heshiis qaran, isla markaana uu khatar ku yahay midnimada iyo xasilloonida dalka.
Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu cadaadis ku saarayo xildhibaanada Baarlamaanka si loo ansixiyo wax-ka-beddelka dastuurka, arrintaas oo ay ku tilmaameen mas’uuliyad-darro siyaasadeed.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay dhacdadii maanta ka dhacday Golaha Shacabka, iyagoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu cadaadis ku saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si loo fuliyo wax-ka-beddel aan heshiis lagu ahayn, gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tallaabooyinka noocan ah ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo nidaamka dowladnimo, isla markaana ay sii hurin karaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybgalka wada-hadallo sharci ah oo lagu xallinayo khilaafka dastuurka, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada aan loo marin hannaan waafaqsan sharciga iyo dastuurka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu cod dheer ku sheegay inuu si buuxda uga soo horjeedo wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurkii lagu heshiiyay, wuxuuna ugu baaqay dowladda, Baarlamaanka, iyo dhammaan saamileyda siyaasadeed in la ilaaliyo dastuurka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.



