Golaha Amniga oo Amray in si deg deg ah loo taageero ciidamada D/goboleedyada

Golaha Amniga Qaranka ayaa amray in si deg deg ah loo taageero ciidamada daraawiishta maamul goboleedyadda si ay ugu qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Golaha Amniga Qaranka waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in taageero buuxda la siiyo ciidamada maamul goboleedyadda si ay u xoojiyaan howlgallada ay ka waddaan degaanadooda.

Ciidamada maamul goboleedyadda ayaa ka qeyb gali doona howlgalladda ay waddaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

” Goluhu wuxuu isku raacay in muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah guddiga farsamadu ay ku fuliyaan Qodobka 1.2 ee go’aankii 6-10ka bishii Febraayo 2018, kasoo qeexaya “Dawladda Federaalku waxay ka caawineysaa ciidamada Booliiska Dawlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Daraawiishtu (hub, saanad, agab ciidan, raashin, daawo, gunno, tababar iyo tayeyn) ee kala qeyb qaadan doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.”Goluhu wuxuu ku boorrinayaa ummada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la-dagaalanka argagixisada” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah Warmurtiyedkii kasoo baxay Shirkii Baydhabo.

Shirkii ka horreeyay kan ayaa si weyn loogu baaqay in la taageero ciidamada maamul goboleedyadda, laakiin ma dhaqangelin, waxaana hadda lagu waddaa in lagu dhaqangaliyo Laba Bilood.