Gen. Mukhtaar oo si KMG ah loogu wareejiyay xilka Taliyaha Booliska (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta si KMG ah loogu wareejiyay Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, kadib Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye.

Taliyihii hore ee Booliska Gen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo Axadii la soo dhaafay ay xilka ka qaadeen Golaha Wasiirada ayaa xilka si KMG ah ugu wareejiyay Gen. Mukhtaar oo ahaa Taliye ku xigeenka 1-aad ee Booliska.

Gen. Saacid ayaa ku ammaanay Gen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidanka.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye ku xigeenka Gen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda uu ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.