Gen. Gorod oo shirweyne caalami ah uga qeyb galay Abuja (SAWIRRO)

Abuja-RisaalaFM- Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shirweyne socday muddo Saddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dowladda Mareykanka.

Shirkaasi Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye Gaas C/wali Jaamac (Gorod) iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka  iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, kulmo gooni gooni ah waxa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.

Madaxda labada dhinac, ayaa  ka wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka,  kordhinta Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, siddii looga caawin lahaa Dowladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Millatari ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.