Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameyeeyay Marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo shaley Qarax ismiidaamin ah lala eegtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaare, Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka iyo xubno kale ayaa ka weyb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum Goobaale.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal kooban jeediyay Aaska kadib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho, kadib markii Qarax ismiidaamin ah oo Mas’uuliyadiisa ay sheegteen Shabaab uu ku dhintay.


