Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan meel u dhow Hotelka Kuwait Place in Duhurnimadii maanta halkaasi uu ka dhacay shil khasaare geystay.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaari Carib ah oo ka yimid dhanka KM4 uu ku dhacay Mooto Bajaaj ka timid dhanka Isgoyska Dabka.
Inta la xaqiijiyay 2 Qof oo ka mid aheyd dadkii saarnaa Mooto Bajaajka ayaa ku dhaawacantay shilkan, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaday isbitaal ka akdhowaa goobta uu shilka ka dhacay.
Shilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidanka Ilaalada Wadoyinka, si ay u eegeen cida qaladka laheyd iyo sida ay wax u dhaceen, waxaana la kala qaaday Gaarigii Carib-ka ahaa iyo Mooto Bajaajkii isku dhacay.
Inta badan Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxa ay tahay wado aad u mashquul badan, waxaana mararka qaar halkaasi ka dhaca shilal.


