Sarkaal Shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Baay

Diinsoor-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen Howlgal ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Dowladda, waxaana uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Raaxooy oo hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sarkaalka Shabaab ka tirsanaa ee Howlgalkan ka dhacay Deegaanka Raaxooy lagu dilay ayaa magacaiisa lagu sheegay Macalin Xasan.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalkan ay si gaar ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Dowladda.

Wuxuu sheegay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed in Holwgalka ay ku dileen Macalin Xasan oo ka mid ahaa saraakiisha Shabaab ee ku sugan Deegaanada Gobolka Baay, isagoo sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab.