Dele Alli Oo Heshiis Cusub Qalinka Ku Duugay

Da’yarka reer England ee kooxda Tottenham Dele Alli ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Spurs,waxaana xidigaan Tottenham ay u aragtaa inuu mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kubada cagta.

Xidigaan ayaa hada saxiixay heshiis shan sano ee uu ku joogidoono kooxda reer london,waxaana uu sanadkii qaadandoonaa mushaar ka duwan midkii hore.

20-sano jirkaan ayaa kooxda Tottenham kaga yimid dhanka iyo MK Dons waxaana lagu soo qaatay markiisa hore lacag dhan £5m  waxaana ay ahayd sanadkii 2015.

Waxaana uu kooxda u saftay kulankiisa koowaad ciyaartii furitaanka ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaa uu dhaliyey 10 gool isaoo saftay 46 kulan.

Sidoo kale bandhig wanaagsan maadaama uu soo bandhigay xidigaan ayaa lagu abaalmariyey in lagu soo daro asfka xidigaha England waxaana uu ciyaaryahankaan kulankiisa koowaad ee Engalad saftay October 2015.

”Uma maleeyneynin inaan sidaan dhan la ii amindoono, Macalinka, taageeriyaasha iyo saaxiibadeeyba waa ay mahadsanyihiin,” ayuu yiri Dele Alli.