G/Banaadir oo ku guuleystay koobkii Kubbada Kolleyga ee Gabdhaha

Garowe-RisaalaFM- Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu soo gaba gabeeyay Tartankii kubbada Kolleyga ee ka socday Magaaladaasi, waxaana Finalka wada ciyaaray Banaadir iyo Hirshabeelle.

Tartankan ayaa waxa uu Magaalada Garowe ka socday mudo 5 maalin ah, waxaana ka qeyb galay Maamulka Gobolka Banaadir oo tartankan ku guuleystay, Puntland oo martigeliyaasha ahaa, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana tartankan cilad farsamo awgeed aan ka soo qeyb galin Maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa afar dhamaadkii tartankan ka soo adkaaday Maamulka Puntland oo ahaa martigeliyaashii Tartankan, halka sidoo kale Hirshabeelle ay ka soo badisay Galmudug.

Kooxaha Banaadir iyo Hirshabeelle ciyaartoodii galabta dhexmaraty ayaa waxa ay aheyd mid xiiso badan, maadaama gabdhaha labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar xifaaltan ku dhisneyd.

Kooxda Banaadir oo heshay 66 dhibcood ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay Tartankii kubbada kolleyga gabdhaha ee Maamul Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka adkaatay kooxda Hirshabeelle oo keensatay 46 dhibcood.

Munaasabada lagu soo xirayay Tartankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, Kan Gobolka, Xiriirka Kubbada Kolleyga, iyo xubno kale, waxaana koobkii la gudoonsiiyay Gabdhaha Gobolka Banaadir.

Tartankan ayaa waxaa fududaynaysay Hay’adda USAID, waxaana Garowe ku sugan korjoogto Caalami ah oo ka yimid Dibadda oo la socday qaabka uu u socday Tartanka.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bilaabashadii Tartankan ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in uu yahay mid lagu fasahaadinayo Gabdhaha Soomaaliyeed, dano gaar ahna laga lahaa.

Gudoomiayaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen jimcaale ayaa Hambalyo u diray Gabdhaha ku guuleystay koobkan, waxaan uu horey u sheegay Abaalmarino qaali ah in uu siin doono Gabdhahan hadii ay ku soo guuleystaan Tartankan.