J/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Kamjaroon oo 90-KM ujira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen Duqeymo.
Duqeyntan ayaa waxaa geysay Diyaaradah Dagaalka ee Dowladda Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Dowladda.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Diyaaradahan in ay Duqeymaha la beegsadeen fariisin Shabaabka ay ku leeyihiin halkaasi.
Ilaa iyo hada la xaqiijin karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeymahan, waxaana Degaanka ay Duqeynta ka dhacday ka jirta cabsi xoogan oo soo wajahday Dadka Degaanka.
Diyaaradaha Dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay Duqeymo xoogan la beegsadeen fariisimo Shabaabka ay ku leeyihiin Degaanka ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.


