DHAGEYSO: SOCENSA oo ka hadashay Abaaraha Dalka

Muqdisho-RisaalaFM- Dallada SOCENSA oo ay ku mideysan yihiin ururo bulsho oo ka howlgala Koonfurta iyo bartamaha Dalka ayaa maanta kulan ay xubnahooda ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen Abaaraha Dalka ka jira.

SOCENSA ayaa waxa ay sheegtay Dowladda Federaalka in ay ka seexatay Abaaraha Dalka ka jira iyo sidii loogu gurman lahaa Dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Diini Maxamed Diini ayaa waxa uu sheegay lacagaha lagu galayo Doorashada in ay haboon tahay in wax loogu qabto Dadka ay Abaaruhu saameeyeen, isagoo sidoo kale sheegay Madaxda Dalka in ay ku mashquuleen Doorashooyinka Dalka.

Diini Maxamed Diini Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ayaa Dadka wax heysta ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan Dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen Gobolada Dalka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Diini Maxamed Diini ayaa waxa uu sheegay xarumaha ay ka dhacayeen Doorashooyinka in ay u joogeen xubno kor joogto ah oo la socday Doorashooyinka, waxaana uu sheegay kuraasta qaar in Doorashadooda ay ku dhacday si musuq maasuq ah.

Inka badan 50,000 oo caruur ah oo ku sugan dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay wajahayaan xaalad qatar ah sababo la xiriira abaaro ka jira qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay dhowaan soo saartay Qaramada Midoobay.