Beledweyne-RisaalaFM- Iyadoo dhowaanahan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ay ku dagaalamayeen Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega ayaa waxaa maanta Magaaladaasi lagu heshiisiiyay dhinacyadii dirirtu ay u dhaxeysay.
Kulanka lagu heshiisiinayay Labadan Beelood ayaa waxaa goob joog ka ahaa Waxgarad oo uu ugu horeeyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Maamulka Gobolka iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.
Qodobada ka soo baxay heshiiskaas waxaa ka mid ahaa Beeshii heshiiskan ka dib xabad bilowda in hal meel looga soo wada jeesan doono, sidoo kalena lagu ganaaxi doono lacag dhan $5,000 oo Dollar.
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kulankan ka qeyb galay ayaa waxa ay beelahan ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan nabada, si shacabka uu u helo xasilooni.
Ugui dambeyntii Maamulka Gobolka oo kulanka ka hadlay ayaa Labada Beelood waxa ay ugu baaqeen in ay dhaqangeliyaan heshiiskan, si uusan u soo laaban Dagaal kale.



