DHAGEYSO: Galmudug oo ka jawaabtay eedeyn loo jeediyay

Gaalkacyo-RisaalaFM- Galmudug ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid Maamulka Puntland, taas oo ku aadaneyd in Maamulka Galmudug uusan furin wadooyinkii ku xirmay Dagaalkii Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka hadleen wadooyinka ku xirmay Dagaalkii Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay eedeyn u jeediyeen Mas’uuliyiinta Puntland.

Maxamed C/llaahi Aadan oo ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in Puntland ay Furtay jidadkii xirnaa, isagoo sidoo kale sheegay in Galmudug ay furtay wadooyinkii dhankeeda xigay ee xirnaa.

Inkastoo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in ay fureen wadooyinkii ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo, ayaa weli waxaa jirta cabashooyin ka imaanaya shacabka, taas oo ku aadan in weli ay xiran yihiin dhaq dhaqaaqii Ganacsi.