Gary Neville Oo Soo Bandhigay Shan Arrimood Oo Loo Baahan Yahay In La Raaco Si Xili-ciyaareedka Loo Dhamaystiro

Halyeyga reer England ee Gary Neville ayaa soo bandhigay shan arrimoo doo uu dareensan yahay inay ka dhici doonaan xili ciyaareedkan Premier League, kaas oo hadda hakad ugu jira xanuunka Coronavirus.

Horyaalka Premier League iyo tartamada kale ee maxalliga ah ee Ingiriiska ayaa waqtiga ugu soo horreeya ee suurtogalka ah ee la bilaabi doono loo qabtay April 30, maadaama waddankaas iyo dalalka kale ee adduunkaba uu caabuqa Coronavirus si xawli ah ugu faafayo dad badanna ku laayay.

Laakiin waqtigan loo qabtay inuu dib u bilaabmo ayaa isagana aan la hubin, waxaana jira doodo odhanaya in aanay suurtogal ahayn xattaa waqtigaas ay ciyaaruhu bilaabmaan, maadaama ay adag tahay in waqtigan lagaga adkaado fayraska.

1. In xili ciyaareedka lagu dhameeyo waqti kooban marka badqabku yimaaddo (xanuunka Coronavirus laga adkaado)

2. In Xili ciyaareedka dambe lasoo gaabiyo haddii loo baahdo

3. In suuqa kala-iibsiga ciyaartoyga la furo bisha May oo uu socdo xili ciyaareedka 2020/21 oo dhan si kooxuhu u awoodaan inay soo iibsadaan ciyaartoyda ay u baahan yihiin.

4. In Heshiiska ciyaartoyda la kordhiyo si loo dhamaystiro xili ciyaareedka 2019/20, Iyo

5. In taageero dhaqaale la siiyo kooxaha u baahan ee ay ka midka yihiin naadiyada heerarka hoose.