Cristiano Ronaldo ayaa lagu waramayaa inuu 8.5 milyan ginni oo u dhiganta 10 milyan doolar inuu ku iibsaday gaarigii ugu danbeeyay ee shirkada Bugatti kaasoo kaliya 10 xabo laga sameeyay dunida oo dhan.
Weeraryahanka Juventus oo haatan karantiil ku jooga jasiirada uu ku dhashay ee Madeira ayaa la aaminsan yahay inuu dalbaday gaariga raaxada ee Bugatti Centodieci, sida ay ku warameyso jariirada Bild.
Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or Ronaldo ayaa durbaba waxaa garaashkiisa ku jira Bugatti Chiron iyo Bugatti Veyron, waxaana uu haatan ku darayaa mid ka mid ah gawaarida ugu qaalisan dunida oo sagaal qof kale ay la lahaan doonto.
Calaamadiisa CR7 ayaa loogu xardhay labada gaari kale ee Bugatti.
Gaariga cusub ee Bugatti waa mid lagu maamusayo gaarigoodii hore ee taariikhiga ah Bugatti EB110 – Centodieici oo af talyaaniga ku ah 110.
Gaariga cusub ee Bugatti waxa uu xawaarihiisa 62 mayl ku gaari karaa kaliya 2.4 ilbriqsi, iyadoo xawaaraha ugu sareeya ee uu gaari karo uu yahay 236 mayl.