Madaxweynaha kooxda Bayern Munich, Rummenigge ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Manchester City ay is-weydaarsanayaan difaacooda David Alaba iyo Leroy Sane.
Xiddiga tayada badan ee David Alaba ayaa Munich kula jira heshiis soconaya illaa badhtamaha sannadka dambe, waxaana la sheegayaa in uu u sheegay naadiga in aanu heshiiska u cusboonaysiin doonin, sidaas oo kalena waxa Manchester CIty ku ah Leroy Sane oo xili ciyaareedkan oo dhan dhaawac u jiifay.
27 jirka reer Austria ee Alaba, waxa maalmahanba suuqa ku jirtay in wakiilkiisii hore uu iska beddelay, isla markaana uu wakiilkiisa cusub ku hawlan yahay wada-xaajoodyo uu la leeyahay kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Chelsea oo lagu sheegay meelaha suurtogalka ah ee u calaamadsan inuu tago xagaaga amaba marka uu dhamaado qandaraaskiisa sannad kaddib.
Leroy Sane oo isaguna kasoo laabtay dhaawac, xili ciyaareedkan oo dhanna aan garoomada soo gelin, ayaa lala xidhiidhinayaa Bayern Munich oo muddo dheer xiisaynaysay, hase yeeshee sida uu Rummenigge u sheegay warbaahinta TZ, ma jirto duruuf ku kallifaysa inay heshiis is-dhaafsi la galaan Man City.
“Sida aan maqlay, wararka ku-tidhi-kuteenka ah ee la wareejinayo waxay leeyihiin in annagu aanu doonayno in David Alaba aanu doonayno inaanu gacanta u geliso Manchester City oo aanu kusoo beddelano Leroy Sane. Waxaan intaa raaciyaa, si cadna aan u sheegayaa, in waxani been abuur yihiin oo aanay wax xaqiiqo ah ku jirin.” Ayuu yidhi Rummenigge.
Mar la weydiiyey in beddelka uu wakiilkiisa ku sameeyey Alaba ay ka dhigan tahay inuu kooxda kasii socdo, waxa uu Rummenigge yidhi: “Waxaan jecelahay inaan si cad u sheego, in tani aanay ahayn arrin u taalla Bayern gebi ahaanteedba.”