Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu kicitimay dalka Maraykanka, isaga oo safarkiisa ku sii mari doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Safarkan ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu Maraykanka ku tago isagoo Madaxweyne ah, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah oo Maraykanka ah.
Inta uu ku guda jiro safarka, Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa la filayaa inuu kala hadlo dhinacyada uu la kulmayo arrimo la xiriira xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha siyaasadeed ee maamulka Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu kulamadaasi ku gudbiyo danaha iyo mowqifyada maamulka Somaliland, iyadoo socdaalkiisa uu kusoo aadayo xilli maamulka Hargeysa uu dadaal ugu jiro sidii uu u heli lahaa taageero caalami ah oo ku aaddan arrimaha aqoonsiga.
Safarka Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale loo arkaa fursad uu maamulkaasi ku xoojin karo xiriirrada uu la leeyahay dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dalka Maraykanka.



