Kooxaha Manchester United iyo Southampton ayaa haddaba og garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka finalka Wembley Stadium ee Leaque Cupka.
Manchester United ayaa ka soo gudubtay afar dhamadka Leaque Cupka kadib markii ay wadarta guud ee labadii kulan ay ku soo baxday halka Southampton ay marti iyo minanba ku soo garaacday Liverpool si ay markii labaad ee taariikhda kooxdeeda u soo gaadho finalka Leaque Cupka.
Kulanka finalka Leaque Cupka ayaa la ciyaari doonaa February 26,2016 waxaana sidii caadada ahayd lagu qaban doonaa garoonka xulka qaranka England ee Wembley Stadium.
Waxaa kulankan loo doortay in uu dhex dhexaadiyo garsoore Andre Marriner wuxuuna kulankiisii ugu danbeeyay ee Leaque Cupku uu ahaa kulankii Liverpool iyo Leeds ee sideed dhamaadka tartankan Leaque Cupka.


