Baarlamaanka Israa’iil oo meelmariyay sharci muran dhaliyay

Baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyay sharci muran dhaliyay oo lagu ogolaanayo in 4,000 oo guri laga dhiso Daanta Galbeed ee la haysto.

Sharcigan waxaa aqbalay 60 waxaana ka so horjeedsaday 52.

Dadkii lahaa dhulkaas ee Falastiiniyiinta ahaa ayaa la siin doonaa lacag magdhaw ah ama dhul kale ayaa loogu badali doonaa.

Madaxwaynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa meel dabacsan ka istaagay arrinta deegaamaynta Israa’iil marka la barbardhigo madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, inkastoo arrintaas ay sababtay ka soo horjeedsi badan oo caalami ah.