Madaxweynaha Puntland oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa uu la kulmay qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya .
Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu ka taageero sidii ay codad uga heli lahaayeen xildhibaanada laga soo doortay degaanada maamulka puntland.
Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah dadkii uu la kulmay, waxaana sidoo kale goobta joogay Musharaxiin badan oo doonaya in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku loolamaya Musharaxiin gaaraya 23 Musharax oo qaarkood ku cusub Siyaasada Soomaaliya.
Waxaa muuqata in Musharaxiinta badankood ay middoobeen ,islamarkaana ay doonayaan in ay soo saaraan musharaxa ugu codadka badan Wareega koowaad si Dalka uu isbadal ugu dhaco.
Waxaa lagu jiraa Saacadihii ugu dambeeyay ee Ololaha Musharaxiinta, Waxaana Musharaxiinta ay kulamo kala duwan ay la leeyihiin xildhibaanada wax dooranaya ee labada golle ee Baarlamaanka waa gola shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare.



