Garry Neville oo ii lama filaan ah u difaacay Jurgen Klopp

Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa ka helay garab aan la fileen Garry Neville kadib markii falanqeeyahani ku difaacay boggiisa twitterka kooxdii Klopp ee ku hor kuftay wolves.

Tababarahan reer Germany ayaa  ku sameeyay sagaal baddal kooxdii laga soo saaray League Cup bartamihii isbuucaan asagoona lagu ciqaabay markale kasoo saariddii FA Cup wraeega afaraad si ay ugu sii darsanto murugooyinkooda January.

Klopp ayaa si wayn looga dhaleeceeyay dhammaan daafaha caalamka kadib markii uu sameeyay isbadal baahsan laakiin Sky Sports falanqeeyaheeda ayaa aaminsan inuu sameeyay dooq sax ah.

Neville ayaa intaa kadib soo raaciyay farriin kale oo ku leeyayhy FA Cup wuxuu had iyo jeer leeyahay door ay ku ciyaaraan ciyaaryahanda d’da yare e soo koraya asagoona dib u xasuustay sidii uu uga soo muuqday kooxda koowaad ee Man United.

Klopp, ayaa dhanka kale,  qaatay masuuliyadda buuxda ee guul daradii u danbeesay laakiin aan hubin halka guuldarada Wolves darajo ahaan ay ka taagantahay inta lagu guda jiro waqitigiisa uu macallinka u yahay Reds.