Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qeybta Galmudug waxaa Maxkamadeyntooda ay ka dhacday Badmaaxiyiin u dhashay Dalka Yemen, kuwaasi oo horey ugu eedeysnaa Kalluumeysi sharci daro ah.
Maxkamad ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa ku xukuntay Badmaaxiyiintan u dhashay Dalka Yemen lacag dhan 60-kun oo Dollar, kadib markii lagu qabtay Kalluumeysi sharci daro ah.
Goobta lagu xukumayay Badmaaxiyiintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Wsaarada Cadaalada Maamulka Galmudug Maxamed Maxmuud Guure.
Dhalinyaradan la xukumay oo tiro ahaan gaaraya 4 ayaa waxa ay kala yihiin:-
Nabiil Cali Maxamed
Rabiic Maxamed
Fu’aad Cali Maxamed
Najiib Yaxye Saciid.
Kaaliyaha Maxkamadda Maamulka Galmudug Jaamac Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqay xukunka ay ku rideen Badmaaxiinta Yemeniyiinta ah ee lagu xukumay Gaalkacyo.


