Galmudug oo ku dhawaaqday Shir dib u heshiisiin ah

Wasaaradda arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa shaacisay in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug  uu ka dhacayo shir lagu dhameystirayo heshiiskii dhawaan laga gaaray colaadii degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in gogosha Dhuusamareeb,  kadib markale shir lagu dhameynayo colaada lagu qaban doono

Gogoshii nabada  hanabuure ayaa la isku waa faqay in la dhigo caasimada galmudug ee dhusmareb maalmaha soo socda sidoo kalana dhamaadka gogosha waxaa ladhigi doonaa hananbuure insha alah degaanka Xananbuure.

degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana ku guuleysatay inay kala dhex-galaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.