Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay weerarka Shanta qof ee Shacabka ahaa ee galabta lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa loogu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay deegaanka Xirsi Lugeey ee duleedka demmada Balanballe, iyada oo lala wadaagaysaa ehelada, qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan umadda reer Galmudug.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegay in ay isku xilsaareyso sidii xal looga gaari lahaa coolaad beeleedyada soo laab laabtay, waxaana loogu baaqay laamaha Amniga Galmudug inay gacanta ku soo dhigaan dadkii dhibkaas geeystay.
Wasaaraddu waxay xil gooni ah iska saaraysaa sidii loo xakamayn lahaa colaadaha nuucaan ah iyo kuwa la midka ah waxayna laamaha amniga Galmudug amraysaa in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dhibkaas geeystay lagana hor tago inuu dhib kale ka dhaco deegaanadaas.