Galgaduud:-Weerar lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysna oo ciidamo ka tirsan kuwa difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ku qaadeen deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay tuulada  Biya-cadle ee hoostaga deegnka Ceel-lahelay eec Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in degaanka uu weerrarka ku dhacay la sheegay in ay ku sugnaayeen maleyshiyaadka jamhadda ee Al-shabaab ay u diyaarisay in ay dadka ku dhibaateeyaan.waxaana lasoo wariyay in weerarkaas khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Wali si dhab ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha la gaarsiiyay Al-shabaab ee Xalay weerarka gaadmada ah ku qaadeen ciidanka difaaca deegaanka ee ka howlgala gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleeyda ee weerarka fuliyay si nabad ah uga soo laabteen fariisimahii ay ka duulaan tageen, halka kooxdu ay cadaadis xoogan ku bilaawday dadka ku sugan gudaha magaaladaas.

Ciidamada Deegaanka ayaa kordhay weerar noocaan oo kale ah ay ku qaadaan deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Degmada Ceelbuur oo ka mid ah talisyada ugu waa weyn ee Al-shabaab ku leedahay Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday saraakiisha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab., kuwaasi khasaare xooggann lagu gaarsiiyay.

Galgaduud ayaa waxaa ka socda howlgal ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo la doonayo in looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin galgaduud.