Madaxweynihii hore Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay Buug uu ugu magacdarey “A Challenging Transition in Somalia” Caqabadihii Xil-Iskuwareejin ee Soomaaliya.
Buggaan ayaa waxuu madaxweynihi Puntland, ka qorey arrimaha siyaasada dalka iyo xaaladihiisii nololeed ee tan iyo markii uu yimid dalka Mareykanka.
Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee gobolka Virginia ayaa ka qeyb-galey xafladda daah-furka buuggaan.
Khudbad uu ka jeediyay goobta uu buuga kusoo bandhigayay ayuu ku sheegay in doorasho qof iyo Cod ah aysan ka dhici karin Soomaaliya Sanadyadda soo socda, islamarkaana aysan suurto gal aheyn.
Gaas ayaa xusay in dowladda Soomaaliya hadii ay dadaal muujiso in ku dhawaad 20 Magaalo doorasho lagu qaban karo oo kaliyah.



