Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaki ka muujiyay habdhaqanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ku dhaqanka Nidaamkla Faderaalka ee dalku qaatay.
Xasan Sheekh Maxamuud oo waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u diyaarsaneyn ku dhaqanka Nidaamka Faderaalka, islamarkaana hadii ay dooneyso in laga laabto ay la wadaagto Bulshadda Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka iyo Cunaqabateynta lagu haayo maamulada qaarkood aysan ka turjumeyn in dalku yahay Faderaalka.
Dowladda ayuu ugu baaqay in ku dhaqanto nidaamka lagu heshiiyay ee Faderaalka si dalka uusan u burburin.


