Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in taliska Ciidanka Booliska ay isbadel ku sameyn doonaan Ammaanka Caasimadda.
Taliyaha waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay kusoo kordhin doonaan Kontoroolo Cusub iyo baro kale oo loogu tala galay in laga xaqiijiyo Ammaanka Muqdisho.
Waxaa uu xusay in dhawan la howlgali doono inta badan saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, islamarkaana isgoys walba la geyn doono Ciidamo iyo taliyahooda si ay halkaasi Ammaankeeda u xaqiijiyaan.
Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doono Saraakiisha Ciidanka Booliska ee xukumo Saldhigyadda Booliska Muqdisho.



