Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Casimada Puntland ee Garoowe, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo cashacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.
Ugu horayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey guulo ay ka soo gaareen safarkoodii, isagoona shaagay wadahadal ay la yeesheen Dalka Itoobiya ay ka guul gaadheen laba mashruuc oo mihiima kuwaas oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyo degmada Eyl, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dhowaan labilaabo doono labadaasi mashruucba.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka hadlay safar kisii Dalka Imaaraadka carabta isagoona sheegay in uu ahaa nuxurka safar kaasi balaadhinta mashruuca dekeda Magaalada Boosaaso, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu inay meel fiican marayso, isla markaana uu uga soo tegey dardargelinta shaqadaasi wefti uu hormuud u yahay gudoomiya Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey Ciidamada Puntland gaar ahaan ciidanka badda Puntland ‘’PMPF’’guushii ay ka gadheen soo qabashada markabkii dhowaan la af-duubtay, waxaana uu mahad iyana u soo jeediyey Dawladda Imaaraadka oo iyagu gacanta ku haya ciidanka Bada Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa marlabaad ugu Tacsiyeeyey Shacabka Puntland, eheladii qarabadii, qoyskii, asxaabtii iyo gaar ahaan Baarlamaanka Puntland geeriddii alle ha u naxariistee xildhibaan Cabdiqaadi Faarax Bootaan.
Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaagay in Puntland ay soo dhoweynayso dhamaystirka dhimaha DFS isla mar’ahaantaana Balanqaaday in ay si dhaw ula shaqaynayso Dawladda Puntland.



