DHAGEYSO: Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa Munaasabad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday ka Qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga oo ku taalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ardadan maanta ka qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga ayaa tiradooda waxa ay gaareysay ku dhowaad 270 Arday, waxaana ay dhameysteen kulyadaha kala ah Shareeca, Waxbarashada, Computer Science, Dhaqaalaha, Culuumta iyo Ganacsiga.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Jaamacadda Islaamiga, Macalimiin, Arday, Madaxda Kale oo ka socotay Jaamacadaha ku yaalla dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho Hay’adaha waxbarashada, shirkadaha, Bankiyada, iyo kuwa kale.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga C/qaadir Cali Muumin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb qaadashada xafladda loo qabtay Dufacda 12-aad ee ka qalin jebisa Jaamacadda Islaamiga, wuxuu sidoo kale sheegay Afar sano ka hor in Jaamacadda ay ku soo biireen Ardadan maanta qalin jebineysa, iyaga oo soo qaatay Sideed Semester oo Waxbrasho ah.

Bashiir Cabdi Rabi Xasan oo ka mid ah Ardada Jaamacadda Islaamiga, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa soo hadal qaaday Abaaraha dalka ka jira ee saameeyay dadka iyo duunyada, wuxuuna lacag dhan Kun Dollar ku wareejiyay Maamulka Jaamacadda, si ay u gaarsiiyaan dadka dhibaateysan.

Dhanka kale qaar Ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay Maanta ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo waxyaabaha ay barteen, iyagoo u mahad celiyay Maamulka Jaamacadda Islaamiga iyo barafasooradii wax u soo dhigay.

Jamacadda Islaamiga ayaa ka mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn dalkeena Soomaaliya iyadoo gudbisa tacliin tayeysan si loo daboolo baahida dalka ee dhanka waxbarashada sare, waxaana sanad walba ka qalin jebiya Arday fara badan, kuwaasi oo bartay Takhasusyo kala duwan bulshaduna aad ugu baahan tahay.

 

Islaamiya 1 Islaamiya 2 Islaamiya 3 islaamiya 4 Islaamiya 5