Gaangiistaro Faransiis ah Oo Weeraray Taageerayaasha Ingriiska ee Ku sugan Euro

Ilaa 30 nin oo Gaangiistaro reer France ah kuwaas oo aad u hubeysan ayaa jihada kalumiyay 100 ka mid ah taageerayaasha xulka England.

Weerarka ayaa ka dhacay maqaaxi lagu caweeyo oo ku taala magaalada Lyon,kooxdda weerarka soo qaaday ayaa xirnaa dhar midabeysan iyadoo wajigooduna uu qarsanaa

Waxaa kaamirada ka muuqatay qaar ka mid ah jamaahiirta England oo dhulka jiifay oo jirdil loo geysanaayo xili goobtuna ay aheyd meel uusan boolisku ka dhoweyn.

Nin 52 jir ah oo ka bad baaday weerarka oo lagu magacaabo Andy Johnson ayaa u sheegay jariirada The Mirror “Waxey goobta u yimaadeen iney dhibaato sameeyaan.

“Waxaan cabeynay qamri waana heeseynay markii ay nagu bilaabeen dagaalka,boolis uma dhoweyn goobta ,waxaa dhacay wax aad looga argagaxo.

“Qaar ka mid ah jamaahiirta England ee kusugnaa France ayaa go,aansaday iney ulaabtaan England sababtoo ah xaalada France waa mid qasan, hadaa nahay taageerayasha England waxaan dareemayna beegsi gaar ah ayuu hadalkiisa ku daray.