Dabley hubeysan ayaa jidka u galay gaari uu la socday Maxamed Gafaanje oo ka mid ahaan jiray Hoggaamiyeyaashii Burcad badeed iyo ilaaladiisa degaanka Gawaan oo 30 Km u jirta degmada Hobyo gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyey 3 ka mid ah ilaalada Hogaamiye Gafaanje ayaa ku dhintay, waxaana dhaawac soo gaaray Maxamed Gafaanje iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.
Maamulka degmada Hobyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaan, waxaana la sheegay in Kooxda weerarka geystay ay kasoo jeeddaan degaanka.
Ciidamada Ammaanka degmada Hobyo ayaa ku baxay goobta, waxaana dhaawaca la geeyey isbitaalka Gawaan.



