Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ku billaabatay hannaan aad u wacan iyagoo weerarro xooggan jihada kaga lumiyay Spurs.
Tottenham Hostpur ayaa bilawgii ciyaarta waxaa gool kaga naxsaday kubbad sameeyaha reer Algeria ee Riyad Mahrez kaasoo shabaqa cuskiyay baas uu ka helay Raheem Sterling daqiiqaddii 6-aad.
Harry Kane iyo ciyaatoyda kale ee naadiga martida loo yahay ayaa ku guuldarreystay inay soo celiyaan goolka lagu leeyahay, waxaana badbaadinno sameeyay Ederson Moraes.
City ayaa sidoo kale sameysay fursado ay gool labaad ku raadineyso, hase ahaatee weli wax is beddel ah kama soo kordhin.
Hase ahaatee, ciyaarta qaybteeda hore ayaa ku idlaatay 0-1 oo ay Man City ku hooggaamineyso.
Markaa dib la isugu soo laabtay wax is beddel ah kuma aysan dhicin ciyaarta inkastoo ay Spurs dadaallo badan u gashay inay soo bareejeyso goolka laga dhaliyay bilawgii ciyaarta.
Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay goolkii Mahrez oo qura kaasoo kaga filnaaday kooxda Pep Guardiola inay guul 1-0 ah ka qaadato Tottenham oo marti loo ahaa.



