Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa mar kale caawa guul muhiim ah u gacan geliyay kooxdiisa.
Lazio ayaa qasaaro kala kullantay kooxda Inter ciyaar goor dhoweyd soo idlaatay oo ka tirsanayd horyaalka Serie A.
Captain Mauro Icardi ayaa shabaqa daah furay daqiiqaddii 28-aad ee ciyaarta isagoo 1-0 hooggaanka ugu dhiibay Nerazzuri.
Inta aanan la kala nasinin qaybta hore ee ciyaarta waxaa gool kale u raaciyay kooxda caasimadda ka dhisanna xaaladda ku adkeeyay Marcelo Brozovic daqiiqaddii 41-aad.
Kullanka qaybtiisii hore ayaa ku dhammaaday 0-2 oo ay Inter ciyaarta ku hor kaceysay.
Markii dib la isugu soo laabtay waxaa sii socda bandhiggii Inter iyo jahwareerkii Lazio.
Icardi ayaa mar kale shabaqa u laabtay isagoo goolka saddexaad u dhaliyay kooxda Luciano Spalleti.



