FIFA oo maanta hogaan cusub dooraneysa

Loolanka loogu jiro qofkii noqon lahaa madaxweynaha xiga ee FIFA ayaa maanta oo Jimcaha lagu kala baxayaa, waxaana ku tartamaya shan musharrax oo midkood uu badali doono Sepp Blatter.

Sidoo kale maanta ayey noqoneysaa maalinta isbedelka muhiimka u ah FIFA uu ka dhacayo magaalada Zurich.

Dhammaan indhaha caalamka waxa ay eegayaan qofka noqonaya madaxweynaha sedaxaad ee FIFA, 40 sano gudahood, laakiin taasi ka hor, xubnaha FIFA oo ka badan 200 oo dal, waxaa la weydiistay inay si dhab ah ugu codeeyaan isbedelka.

Ujeedada arrintan laga leeyahay waxa ay tahay in lagu wanaajiyo muuqaalka xiriirka kubadda cagta ee FIFA oo sanadkii tagay la kulmay musuqmaasuq baahay iyo fedaaxado wax isdabamarin ah.

Haddii isbedelka uu suuragalo, waxaa la doonayaa in ay FIFA la timaado hufnaan, la xisaabtanka iyo maamul wanaag.

Taasi kaddib, dadka ugu cadcad waxa ay kala yihiin, Skeeh Salmaan oo Baxrayn u dhashay, iyo Ganni Infantino oo Switzerland ka soo jeeda iyo ninka u dhashay Urudun ee Amiir Cali, seddaxdaa midkood ayaa la filayaa inuu ku guuleysto doorashada.

Ninka u dhashay Faransiiska ee Jerome Champagne ayaa loo maleynayaa inuu xilli hore ka hari doono codeynta, hadaba Tokyo Sexwale waa ninka keli ah ee AFrika ka soo jeeda ee abid u tartamay xilka madaxweynaha FIFA.

Xiriirka kubadda cagta ee Afrika ma taageerayaan Tokyo. Waxa ayna xiriirka doonayaan inay garabsiiyaan Skeeh Salmaan, oo ay ku tilmaameen inuu noqondoono qof u wanaagsan qaradda.

Laakiin mucaaradadda qaar kamid ah xubnaha, waxaa la filayaa in maamul aan caadi ahayn u noqoto ciyaaraha kubadda cagta ee caalamka.