Kooxda Manchester United ayaa 5-1 uga adkaatay kooxda FC Midtjylland ee dalka Denmark oo ay ku marti gelisay garoonka Old Trafid lugta labaad ee wareega 32 koobka Uefa Europa Leaugue.
FC Midtjylland oo lugtii hore 2-1 kusoo adkaatay ayaa mar kale gool kala hormartay kooxda United waxaan u dhaliyay Pione Sisto, basle Nikolay Bodurov aya gool kama ‘ah iska dhaiyay ciyaartana ka dhigay 1-1.
Juan Mata ayaa United ka qasaariyay gool -kulaad waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-1.
Marki laysku soo laabtay ayay United laba gool oo xiriir ah ka heshay da’yarka kooxda u saftay kulanki ugu horeeyay Marcus Rashford waxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 isagoo soo nooleyay rajadii United, Ander Herrera ayaa gool -kulaad loo dhigay ciyaartana ka dhigay 4-1, waxaan bandhiga goolasha soo xiray Memphis Depay.
United ayaa sidoo kale ugu soo gudubtay wareega 16-ka koobka Uefa Europa League oo ah koob aysan taariikhda diinwaangashan , hayeeshee ay hada udagaalami karto.