London-RisaalaF- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo dhismaha Ciidamada.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka ee arrimaha Ciidamada, qalabeynta, iyo sidii Al-Shababa looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo shalay khudbad ka jeediyay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha Amniga Qaranka
Jim Mattis ayaa sheegay inay taagersan yihiin qorshaha amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, waxaana uu tilmaamay inuu Mareykanka sii xoojinayo tababarka Ciidamada Soomaaliya.
Bishii hore ayay aheyd markii Mareykanka Ciidamo u diray Soomaaliya, kuwaas oo tababaro siinaya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Todobaadkii hore Askari Mareykan ah oo ka mid ahaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu dilay howl gal ay ku taageerayeen Ciidamada Kumaandooska, kuwaas oo weerar ku qaaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.



