Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay Soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta dhanka Hubka ah ee saaran.
Waxa uu sheegay Soomaaliya hadii laga qaado cunaqabateynta in ay sameysan karto Ciidamo awood leh oo ilaalin kara Bad iyo Bariba, Shabaabna ka saari kara dalka.
Sidoo kale xildhibaan Dalxa ayaa sheegay Dowlado farta lagu godayay oo la aamisanaa in Soomaaliya ay hortaagan yihiin in maanta ay ku baaqeen Soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta Haubka ah, taasina ay tahay wax lagu farxo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay ka hadlay shirkii London ayaa ku baaqay Soomaaliya in laga qaado cunaqabteynta dhanka Hubka, si Dagaalka Shabaab ay ugu soo gaba gabeyso Labo sano.


