DHAGEYSO: Biyaha Wabiga Shabeelle oo fatahaad sameeyay

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Biyaha Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay qeybo ka kid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Magaaladaasi.

Degaanka Maandheere oo ku yaalla Duleedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa xilligan ka jira fatahaad uu sameeyay wabiga.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay fatahaada wabiga in uu sababay in ay barakacaan Qoysas dan yar oo deganaa hareeraha wabiga.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.