DHAGEYSO: Kenya oo soo celisay Soomaali badan

Dhoobley-RisaalaFM- Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore degaanka Miingi ee gudaha dalka Kenya ku qabtay Gaari ay saarnaayeen in ka badan 50 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo isugu jiray Haween iyo caruur.

Baaritaan dheer kadib Dowladda Kenya ayaa dadkan dib ugu soo celisay Soomaaliya waxayna ku wareejisay Maamulka degaanka Dhoobley ee Gobbolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Dhoobleey Siyaad Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa sheegay dadkan in ay ahaayeen shacab Soomaaliyeed oo xuduuda ka gudbayay ee galay Kenya, kadibna Kenya ay gacanta ku dhigtay.

Waxa uu sheegay dadkan oo tiradooda gaareysa ilaa 53 Qof in ay isugu jiraan Caruur iyo Haween, kuwaasi oo laga qabtay Degaanka Miingi oo Kenya ka tirsan.

Dowladda Kenya ayaa inta badan dadka wadankeeda sharci la’aanta ku gala soo qab qabata, waxaana ay dib ugu soo celisaa Soomaaliya.